Ciidanka Booliska JSL Oo hawagal ay sameeyeen Saacado Gudahood Ku Soo Gabagabeeyey.
Ciidanka Booliska JSL ayaa maanta gacanta ku soo dhigay Eedaysane Cabdiqani Baashe (danyeero) ina Aamina Ibraahim 23 jir ah oo ku Eedaysan ina uu dilay Marxuum Cabdilaahi Ismacaiil Xariir ( dayo) ina Sahra Axmed 23jir. Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay tooray .
Dilka ayaa ka dhacay Degmada 31ka May gaar ahaan xaafada qandahar xalay Saacaddu markay ahayd 9:30 habeenimo
Ciidanka Booliska ayaa hawl-gal iyo dedaal dheer oo ay sameeyeen saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay eedaysanaha , kuna jiro hadda gacanta Ciidanka Booliska Waxaanna lagu soo qabtay deegaanka Maygaagaha.
Boolisku waxa uu cadaynaa Ina eedaysanaha la horkeeni doono si degdeg sharciga.
Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.
Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan, waxaanan ka codsanayaa in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.
Alle Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL.




