Caruur Walaalo ah oo Miino Kula Qaraxday Deeganka Madheedh ee Dawlad Deeganka Somalida
Miino ayaa ku qaraxday caruur 4 ah oo adhi la joogtay duleedka qabalaha madheeh oo katirsan degmada gunagado ee gobalka Jarar, waxaa dhintay 1-wiil kamid ah caruurtii halka ay 3dii kale dhaawac yihiin.
Meello badan oo kamid ah deeganka soomalida ayaa miinaysan, marwalbana khatar noocaan ah ayaa dhacda, sanad kama soo wareegin markii bali-dhiig oo ka tirsan Gaashaamo gudaheeda ay miino la kacday buss kamid ah basaska ardayda qaadda.




