Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ku kulmay Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, kaasi oo looga hadlay xiriirka labada dal.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, labada madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Xasan Sheekh iyo Ruto ay isla garteen “in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray, gaar ahaan fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada, kuwaas oo ka mid ah caqabadaha wadajirka u curyaamiyey kobaca iyo horumarka dalalka Gobolka.”

Madaxweyne Ruto ayaa isna qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxaan dedejin doonnaa hirgelinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya. Tani waxay sare u qaadi doontaa ganacsiyada Miraa [qaadka] iyo kalluunka, waxayna fududayn doontaa isu socodka labadayada dal.”

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa sidoo kale ku jiray arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.”

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee rasmi ah ee dhex-mara labada madaxweyne tan iyo markii la doortay dhowaan. Ruto ayaa la doortay 9-kii August, halka Xasan Sheekh dib loo soo doortay 15-kii May.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sanadihii dhowaa, hase yeeshee wuxuu dib usoo hagaagay markii ay Nairbo ku kulmeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta 15-kii July, halkaasi oo ay heshiisyo ku kala saxiixdeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker