Xiisaha Kulanka Liverpool iyo Atlanta ee dalka Talyaaniga

Liverpool ayaa u safraysa waddanka Talyaaniga oo ay caawa kula soo ciyaari doonto Atalanta, kaddib labadii guulood ee ay kasoo xoogsadeen labadii ciyaarood ee hore.

 

 

Atalanta oo bandhig cajiib ah muujisay labadii ciyaarood ee ay Group D kasoo dheeshay, ayaa waxay garoonkeeda Gewiss Stadium u diyaarisay si ay guul ugaga gaadhi karto Reds, isla markaana ay kaabiga u fuusho inay diyaarsato booskeeda wareegga 16ka.

 

 

Labadan kooxood oo dhamaadka bishan November ku ballansan Anfield oo ay ciyaarooda labaad iskaga hor iman doonaan, ayaa waxay yihiin hoggaamiyeyaasha Group D, waxaana laba dhibcood sarraysa Liverpool oo lix haysata, halka Atalanta ay afar dhibcood soo urursatay.

 

 

Kooxda Talyaaniga ah ee Atalanta ayay u tahay markii labaad ee ay ka qayb-gelayso tartanka Champions League oo ay xili ciyaareedkii horena timid, halka Liverpool ay lix jeer ooh ore soo qaadday Koobkan oo ay ka mid tahay kooxaha ugu khibradda badan tartankan.

 

 

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid adag oo Liverpool ugu soo beegmay xilli ay difaac ahaan u kala daadsan tahay, halka Atalanta ay tahay koox ay goolashu u fasaxan yihiin oo lix gool shabaqa soo taabsiisay labadii kulan ee FC Midtjylland iyo Ajax.

 

 

Gian Piero Gasperini ayaa goolasha ugu badan soo dhaliyey, waxaanu kooxdiisa Atalanta ka dhigay midda labaad ee ugu goolasha badan horyaalka Serie A xili ciyaareedkan,

 

Iyagoo shabaqa taabsiiyey 17 gool lix ciyaarood oo horyaalka ah, halka Champions League na ay ka yihiin kooxda saddexaad ee goolasha ugu badan dhalisay xili ciyaareedkan.

 

 

Liverpool ayay qisadeedu ka duwan tahay midda Atalanta, waxaanay kasoo badisay kooxaha Ajax iyo though, with Jurgen Klopp’s side keeping clean sheets in wins over Ajax and FC Midtjylland.

 

 

Liverpool waxa kale oo ay soo guuleysatay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee heerka Groups-ka tartanka Champions League ee ay kusoo ciyaartay bannaanka garoonkeeda, waxaana ugu dambaysay Ajax oo ay 1-0 dirqi ahaa kaga soo badiyeen.

 

 

Xogta kulanka

Ciyaarta: Atalanta vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Gewiss Stadium

Garsooraha: Ovidiu Hategan (Romania)

 

 

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood.

 

 

Liverpool ayaa wada guuleysatay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada iyadoo ay ka maqan yihiin xiddigaheeda Virgil van Dijk, Thiago Alcantara iyo Joel Matip oo ku dhaawacmay kulankii Merseyside derby ee bishii hore.

 

 

Van dijk waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa xilli ciyaareedka oo dhan, sidoo kalena Thiago ayaan ka mid ahayn ciyaartoyda kulankan qaybta ka qaadanaya, hase yeeshee Joel Matip iyo Naby Keita ayaa tababarka kusoo laabtay oo kulankan ciyaari karaya, inkasta oo la filayo in aanu Klopp khatar gelin doonin laacibiintiisan.

 

 

Fabinho ayaa isaguna dhaawac illaa dhamaadka bishan ku maqnaanaya, waxaanay taasi fursad u tahay Nat Phillips inuu mar labaad kusoo garab bilowdo Joe Gomez, kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kulankii West Ham United.

 

 

Diogo Jota ayaa isaguna rajaynaya inuu kusoo bilowdo ciyaartan maadaama uu ahaa laacibkii la baxsaday kooxdiisa kulankii West Ham oo isaga oo beddel kusoo galay uu dhaliyey goolka guusha.

 

 

Dhinaca Atalanta, waxa la filayaa inuu shaxdooda hoggaamin doono Duvan Zapata oo ay afka hore ka wada ciyaari doonaan Ilicic iyo Gomez.

 

Pierluigi Gollini ayaa kasoo laabtay dhaawac jilibka ah, waxaanu tababaruhu kala dooran doonaa isaga iyo Marco Sportiello.

 

 

Laakiin dhaawac ah oo aan kulankan joogin xiddigaha Mattia Caldara, Marco Carnesecchi, Cristiano Piccini iyo Marten de Roon.

 

 

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Atalanta BC: Sportiello; Toloi, Romero, Djimsiti; Hateboer, Freuler, Pasalic, Gosens; Ilicic, Gomez; Zapata

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, R Williams, Gomez, Robertson; Shaqiri, Henderson, Milner; Salah, Mane, Jota

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker