Trump oo muujiyay cabsi ah in Iraan ay weerari karto Washington

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si dhab ah u qaadanayo hanjabaadda, kaddib markii CNN ay baahisay warbixin ka hadlaysay suuragalnimada in Iiraan ay weerarto magaalada Washington.

Trump oo ku sugan dalka Filibiin, kana qaybgalaya shirka ASEAN, ayaa su’aal uu wariye weydiiyay kaga jawaabay: “Waxaan rajaynayaa inaysan taasi dhicin, balse arrintan si dhab ah ayaan u qaadanaynaa.”

Wuxuu intaas ku daray: “Tani waa sababta aysan u ahayn inay haystaan hub nukliyeer ah.”

Trump ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu arrintan si dhab ah u qaadanayo, isaga oo sheegay in Iiraaniyiintu u muuqdaan kuwo khatar ah oo aan la saadaalin karin.

Wuxuu ku hanjabay in haddii weerar noocaas ah la fuliyo, Iiraan ay wajihi doonto ciqaab aan dal kale taariikhda hore u arag.

Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa horay u diiday warbixinta CNN ee sheegtay in Iiraan laga yaabo inay qorshaynayso inay Washington ku qarxiso waxa loo yaqaan “bambada wasakh ah” isaga oo ku tilmaamay eedeymo aan sal iyo raad lahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker