Sheekh Masaajid Looga Eryey Qur’aan Uu Akhriyey Iyo Mucjisada Ku Lamaan

Dawladda Tunuusiya ayaa shaqadii ka eriday Sheekh lagu magcaabo Maxamed Saynul Diin oo Imaam ka ahaa Masjid ku yaalla magaalada Naabil ee bariga dalkaas. Sheekhan ayaa lagu qabsaday Quraan uu akhriyey xilli tukinayey Masjidkii uu Imaamka ka ahaa.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Tunuusiya oo Masjidka ku tukanayey ayaa dhibsaday aayadaha 26 iyo 144 ee Suurtu Aala Cimraan kuwaas oo qayb ka ahaa Quraankii Saaladda ee uu Sheekh akhriyey.
Wasiirka ayaa Sheekh ku canaantay in uu soo qaatay Aayado ka hadlaya Inqilaab iyo weliba in xukunku yahay wax Ilaahay bixiyo isaga oo u sheegay in uu ka dheeraado Aayadaha noocana. Balse dawladda ayaan arrinta ku joojin canaanta Wasiirka iyada oo ugu dambayn Wadaadkii shaqadii Masjidka laga eryey.
Dalka Tunuusiya ayaa wakhtigan ku jira jaha wareer siyaasadeed oo ka dhashay sida uu waddankaas u maamuulayo madaxweyne Qays Saciid oo lagu eedaynayo in uu u xuub siibtey keligii taliye diidey taladii la wada lahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker