Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la Qaatay Madaxdhaqameedka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu saaka kulan la qaatay Madaxdhaqameedka Somaliland, kulankan oo ujeedadiisa ugu wayni ahayd ka wada shaqaynta arrimaha nabadgelyada iyo sidii dhinac looga soo wada jeesan lahaa cidkasta oo wax yeelaynaysa nabadgelyada iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka ayaa Madaxdhaqameedka la wadaagay dhibaatadii ka dhalatay rabshadihii iyo fawdadii ay sameeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah maalintii Khamiista, taasoo dhibaato loogu geystey Ciidamadii Booliska ee ilaalinaya nabadgelyada shacabka.

Madaxdhaqameedka ayaa dhinacooda sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha kala shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada, iyada oo dhinac la iska wada taagayo waxkasta oo nabada Jamhuuriyadda Somaliland wax u dhimaya iyo guud ahaan wada jirka bulshada.

Kulamo danbe oo Arimahan la isaga imanayo ayay ku balameen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxdhaqameedku, iyaga oo Wasiirkana ugu mahadnaqay sida fiican ee uu u qaabilay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker