Garsoore Cabdilaahi Salaad Wadaad yare oo lagu dilay Laascaanood

Laasacaanood (OWN) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay Garsoore maxkamadeed ku dileen gudaha magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolkaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdullahi Salaad Wadaad-Yare, wuxuuna ahaa Garsoore ka tirsan maxkamadda magaaladaasi.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

 

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta ka baxsaday, kadib dhacdada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaadhay, kuwaas oo sameeyey howl-gallo baadhitaano ah oo dad lagu soo qab-qabtay.

 

 

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in ragga la soo qabtay oo lagu tuhmay dilka Garsooraha ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

 

 

Laacsaabood  waxaa muddooyinkii dambe ka dhacay dilal qorsheysan oo qaar kood loo geystay askar iyo mas’uuliyiin ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker