Golaha Deeganka Hargeysa oo Ansixiyaay Dagmo Cusub oo ku Soo biirtay Magaalada
Waxa Maanta soo gabagaboobay Kalfadhigii 5-aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, Intii Kalfadhigu socday waxa uu Goluhu warbixno ka dhagaystay Maayarka Caasimadda, Sidoo kale wuxuu Goluhu ka dooday.
1. Shaqada Guddi Hosaadyada Golaha Deegaanka.
2. Wax ka badalka Tacrifadaha Cashuuraha.
3. Xeerka Parking-ka caasimadda Hargeysa.
4. Wax Kabadalka Iyo Kaabista Xeerka Tagaasida.
5. Xeerka Shaqaalaha DHH.
Intii Kalfadhigu socday waxa uu Goluhu Ansixiyay Habraaca Dhul Bixinta DHH, Sidoo kale waxaa cod gacan taag ah lagu Ansixiyay Xadka Iyo Magaca Degmada 9-aad ee laga jarayo Degmada Ibraahim Koodbuur ee ay soo Gudbiyeen Gudidii loo Xil saaray ka soo tala bixinta samaynta Degmada Cusub, Waxaana Magaca Degmada laysla gartay in loogu Magac Daro Mujaahid Maxamed Xasan Aadan (Gacma-Dheere) waxaana magaca Degmadu noqonayaa Degmada cusub




