Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Maanta Gaadhay Magaalada Baydhabo.

Baydhabo-(OWN)-Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Rai Zanenga ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaadhka ah ee maamulka Koonfurgalbeed.

Wafdiga waxaa Baydhabo, ku qaabilay ku-simaha madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ,iyagoo ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka Koofurgalbeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday ayaa waxa ka mid ah caqabada jira ee doorashada madaxweynaha,waxaana warar lagu helay kulanka la sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed uu u sheegay wafdiga Qaramada Midoobey inay weli ku guda jiraan diyaar garowga doorashada iyo soo dhameystirka guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Koofurgalbeed.
Sida horay loo qorsheeyay doorashada ayaa dhacaysa 17-ka bishan November oo kaliya afar maalin ay ka dhimantahay,balse waxaa soo baxaya surtagalnimada ay doorashada dib ugu dhici karto,iyadoo xilli hore musharrixiinta qaar ay ku taliyeen in doorashada dib loo dhigo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker