Guddiga Abaalmarinta Nobelka Oo Ugu Baaqay Abiy Ahmed Inuu Joojiyo Dagaalka Itoobiya

Guddiga Nobel-ka Norway ayaa ku biiray codadka caalamiga ah ee ugu baaqaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socday dalkaas.

Bayaan ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed – oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 – ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.

Hal sano uun ka dib markii uu helay abaal-marintii lagu soo afjaray dagaal dheer oo uu la galay Eritrea, Mr Abiy waxa uu u diray ciidamo la dagaalama falaagada waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalku wuxuu malaayiin qof ku qasbay inay guryahooda ka baxaan. Dowladda ayaa lagu eedeeyaa in ay hor istaagto gargaarka, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyada.

Baaqyada Guddiga ayaa la filayaa inay kordhiyaan cadaadiska lagu doonayo in xal nabadeed laga gaaro dagaalka.

Dagaalkii ka socday Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa haatan qaboobay balse waxaa socda duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka geysanayaan gobolka Tigray.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker