Kooxda Wagner ee Ruushka oo go’aan cusub ku dhawaaqday

Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlahooda ay ka wadaan Afrika iyo Belarus, balse hadda aysan qoreynin dagaalyahano cusub.

Kooxdu waxay go’aan ka gaadhaysay ujeeddooyinkeeda xiga, Yevgeny Prigozhin ayaa sidan ku yiri fariin maqal ah oo lasoo dhigay kanaalka Telegram ee kooxdan.

Dagaalyahannada Wagner ayaa door muhiim ah ka qaatay duulaankii Ruushka ee Ukraine. Bishii Juun, dhowr kun oo iyaga ka mid ah ayaa ka qayb qaatay gadood muddo gaaban socday oo ka dhan ahaa hoggaanka militariga Ruushka.

Farriintiisa maqalka ah, Mr Prigozhin wuxuu ku sheegay in inta badan dagaalyahannada Wagner ay hadda ku jiraan fasax, sababtoo ah “waxay ku jireen muddo dheer oo shaqo ah”. Waxa uu sheegay in kooxdu ay go’aan ka gaari doonto hawlaha mustaqbalka, kuwaas oo loo fulin doono “weynaanta Ruushka”. Kooxdu waxay sii ahaan doontaa ” mid ka hawl gasha Afrika iyo xarumaha tababarka ee Belarus”, ayuu ku daray fariintiisa – kaas oo lagu daabacay barta Grey Zone ee kooxdu ku leedahay Telegram.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker