Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex oo Amaro Culus Dul Dhigay Hotelada Hargeysa

Ujeedo: Joojin Shirarka lidka ku ah Amniga Qaranka
Dhamaan Mulkiilayaasha Hotelada Caasimada Hargeisa waxaa lafarayaa laguna adkaynayaa inan lagu qabankarin Hoteladoda
Shirarka lagu kala qaybinayo Bulshada Amnigana waxyeelaya iyadoo baryahan Dambe Hotelada qaar lagu qabto shirar Abaabulan oo lagaga hadlayo arimo Nabad galyada kaso horjeeda
Hadaba waxa la ogaysiinayaa dhamaan Hotelada Caasimada Hargeisa inan Hoteladoda lagu qaban shirar nabad galyada waxyeelaya.
Sidaa darteed cidii u hogaansami wayda go’aankan ama lagu arko iyadoo shirar nabad galyada wax yeelaya lagu qabanayo Hoteladoda waxa laga qaadi doonaa Talaabo sharciga waafaqsan.
ALLAA MAHAD LEH
MAXAMED CILMI AHMED
GUDOOMIYAHA GOBOLKA M/JEEX

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker