Wasaaradda macdanta JSL oo soo dhawaysay meel marinta xeerka Sahaminta iyo soosaarista Shidaalka.

Wasaaradda macdanta iyo Tamarta oo soo dhawaysay meel marinta xeerka Sahaminta iyo soosaarista Shidaalka xeer Lambar 95/2021.-kaas oo ay ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland.

Axmed Iidaan Aadan Agaasimaha waaxda shiidaalka ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin meel marinta xeerka Sahaminta iyo soosaarista Shidaalka kaas oo uu sheegay inuu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali ayaa dhankiisa u mahad celiyay golaha wakiilada Somaliland gaar ahaana gudidii xeerkaasi gacanta ku haysay ee golaha wakiilada waxaanu sheegay ka wasaarad ahaan inay guul u tahay meel marinta xeerka Sahaminta iyo soosaarista Shidaalka ee xeer Lambar 95/2021.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker