Siyaasi u dhashay Canada Oo isagoo qaawan lagu dhex arkay Zoom

Siyaasi u dhashay Canada ayaa raali-gelin bixiyay kadib markii isagoo qaawan uu ka soo muuqday kulan Zoom-ka lagu qabanayay oo uu la lahaa dad ay wada shaqeeyaan.

William Amos, oo laga soo doorto degmada Pontiac ee gobolka Quebec ayaa qoraal uu shaaciyay Arbacadii ku sheegay in “dhacdadaas ay yahay khalad nasiib darro ah”.

“Kaamerada ayaa si lama filaan ah u shidmay xilli aan iska bedalayay dhar aan ku orday, oo aan xiranayay dharka shaqada,” ayuu yidhi siyaasi William Amos.

Sawirro laga qaaday muuqaalka oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Amos oo telefoon ku haya cawradiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker