Magaca Habar Xabuusheed, waa magac asal ahaan xeeladeysan, oo waa magac tabnaan ku baxey; oo waa magaca beeshu, ay aad iyo aad u eeddey.

Magaca Habar Xabuusheed, waa magac dhiileysan, oo munaafaqadeysan, oo beel isku isir ahayd, oo isku deegaan ahayd, oo isku taariikh ahayd, oo magac iyo maamuus wadaag ahayd, waa magac lagu kala qeybqeybiyey.

Magaca Habar Xabuusheed, mar beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), ayaa inta lagu jarjarey, ayaa jeex kasta’na, magac-u-yaal ujeeddeysan loogu wan-qaley. Magacaas Habar Xabuusheed, beesha Aadan-madoobe wuu kala qolo’qoleeyey, oo wuu kala qobqob’bey, oo wuu kala qariyey.

Magaca Habar Xabuusheed, marka kale’na, beeshii Habar Toljecle/Toljecle la isku odhan jirey, ayaa inta lagu kala goo’gooyey, oo gobol-gobol lagag dhigey, ayaa gobol yar oo kasta’na, magac ahlu-beyteysan, oo maan-dooriye ah, ayaa loola baxey; oo loogu yeedhey. Mabsuudiin ayay magacyadaas ku wada noqdeen. Ka dib’na, iilashii loo qodey, ee lala doonayey, ee lala rabey, ee magacyada ahlu-beytyada loogu dul qorey, ayay si fudud oo madax-madax ah, ay ugu wada daadteen.

Nasiib wanaag’se, magacii Habar Toljecle/Toljecle, ma aanu tirtirmin, oo suugaanteenii baxsaneyd iyo qoraalladii dhul-mareennadii shisheeye, ayaa badbaadiyey, oo xafidey, oo keydiyey, oo dhaxal aan duugoobeynin ka dhigey.

Hadraawi ayaa yidhi:

Maxay doqoniiino tidhi
Ruuxaan jirin raad ku doon
Intaan isku duubey been
Ka buuxsadey labada dacal
Maxay runi daadi tidhi.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

F.G.
Magaca Habar Jecle, oo beeshu dhawaan la baxdey, ayaa suugaantii dhaxal galka ahayd, lagu nasakhey. Tusaale:
Halkii Habar Toljecle ahayd, Habar Jecle ayaa loo baddaley.
Halkii Toljecle ahayd, Habar Jecle ayaa loo baddaley.
Halkii Habar Xabuusheed ahayd, Habar Jecle ayaa loo baddaley.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker