Mukhtaar Roobow oo Afar Sano Maxbuus Guri ahaa ayaa ka mid noqday Golaha Wasiirda Somaliya
Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Akhaafta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu baahiyay Liiska Golaha Wasiiradda.
Mukhaar ayaa in ka badan afar sano Xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho, isaga oo dhammaadka sanadkii 2018 laga soo xiray Magaalada Beydhabo.
Xilligaasi waxaa uu ahaa Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
Inta uusan Dowladda Federaalka isu soo dhiibin, Mukhtaar waxaa soo noqday ku-xigeenka iyo Afhayeenka Ururka Al-shabaab.




