Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin Oo ka hadlay dabkii baabiiyey suuqa Waaheen

Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa ka hadlay dabkii baabiiyey suuqa Waaheen,waxaanu sheegay inay dhacday masiibo Qaran,isagoo illaahay ka baryey inuu baddel khayr qaba siiyo dadkii ay hantidoodii ku waayey.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay inuu dhibta la qaybsanayo shacabkiisa reer Somaliland,isla markana uu aad uga tiiraanyoonayo dabkii baabiiyey Suuqii ugu weynaa Somaliland ee Waaheen,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-“Horta masiibo Qaran ayaa dhacday masiibo uu illaahay wax ka qaban karro oo aanu bila’aadan wax ka qaban karrin,illaahay waxaan ka baryayaa inuu ciwad khayr qaba ugu beddelo ummaddii halkaas hantidoodii ku baaba’day .”ayuu yidhi.

Isagoo intaas ku sii darray ex Madaxweyne Riyaale “Suuqani waxa uu ahaa suuqii ugu weynaa Somaliland mudda’dii dhowr iyo soddonka sanno ahayd ee uu dalku jiray ummaddu wixii ay ka soo kabatay iyo wixii ay shaqaysatay ayaa ay intiisii badnayd ay halkaas ku shuf beeshay ,waxa aan leeyahay illaahay ciwad khayr qaba ha idiinku beddelo ,waan idinka soo tacsiyadaynayaa ,shacbi ahaan iyo Xukuumad ahaan waan idinla waddaagayaa tiiraanyadda iyo murrugada ,illaahayna waxa aan inooga baryayaa inuu wax khayr qaba inoogu beddelo”ayuu yidh.

Madaxweyne hore Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in loo baahan yahay in Suuqa Waaheen in loo sameeyo qorshe cusub iyo jidad”Waxa lagga barran karraa arrimo baddan suuqan Waaheen waxa uu ahaa suuq isku daadsan oo meel loo marro aan lahayn,waxa laggama maar maan ah mar haddii taasi dhacday in qorshe loo sameeyo oo waddooyin looga gurmado haddii tan oo kale dhacdo waa in loo sameeyo,waxa kale oo laggama maar maan ah guri kasta iyo meel kasta oo ganacsiya in loo sameeyo Qaalabka Haanta dam-damiska ee gacanta laggu qaado oo markii uu dab kaco laggu bakhtiinayo,taasi waxay bajinaysaa markuu dab kaco guriga ama meherad haddii uu qalabkaasi yaallo markaaba isaga ayaa deminaya,waxa laggama maar maan ah in la helo wax kasta oo laggu bad-baadin karro oo dab haddii uu dhaco in lagga gaashaanto”ayuu yidhi.

Dhanka kalene Daahir Riyaale Kaahin ayaa ugu baaqay Shacabka reer Somaliland inay sidii dhaqanka u ahayd ay isu gurmadaan,isla markaana ay taakuleeyaan dadkii ku caydhoobay masiibadii dabkii ka kacay suuqa Waaheen “Ummadda reer Somaliland mid isku gurmata ayey ahayd in dadkaas ay dhibaatadu ku gaadhay dabkaas ay dhex-dooda u gurmadaaan cid kasta oo wixii qadhaan ah ee ay bixin karrayso inay bixiso ,taas tallo ayaan ka dhigayaa Xukuumad iyo shacaba “.

Waxa uu intaas ku sii darray Mudane Daahir Riyaale Kaahin “Markii ay dhibaato dhacdo siday Awalba isugu gurman jireen inay iskugu gurmaddaan shacabka Somaliland ayaan ugu baaqayaa,Gobollada oo dhanna waxa aan leeyahay u soo gurmadda Hargeysa,waxaan leeyahay ha la isku soo gurmaddo hana la is caawiyo oo gacanta hala iska siiyo dhibaatada ka dhacday suuqa Waaheen “ayuu yidhi.

Geesta kalene Madaxweynihi hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaan isagu aan illaa hadda ka haddal masiibada iyo mashaqada ka dhacday suuqa Waaheen,kaas oo si weyn la isku weydiinayo,sababta uu hal kelmad ugu odhan waayey bulshadiisa ay dhibaatadu ay la soo darristay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker