Hubkii Mareykanka Oo U Gacangalay Xoogaga Taliban Ee Dalka Afghanistan

Dhaqdhaqaaqa Taliban ayaa gacanta ku dhigay hubka Mareykanka sameeyo ee horaan lagu qalabeeyay ciidamada dowladdii burburtay ee Afghanistan.

Taliban oo si buuxdo ula wareegtay dalkaasi ayaa sidoo kale la sheegay inay gacanta ku dhigtay keyd hub ahaa, oo Mareykanka iyo xufaladiisa NATO u qorsheeyeen inay ku hawlgalaan ciidamada Afghanistan.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa qirtay in Taliban la wareegtay hub fara-badan oo Mareykanku lahaa, ka dib qabsashadeedii dalkaasi.

“Ballaayiin dollar oo hubkii Mareykanka ayaa hadda u gacangalay Taliban, ka dib burburkii deg-degga ahaa ee ciidamadii amniga ee loo tababaray Afghanistan inay adeegsadaan qalabkaasi militari.” Sidaasi waxaa qoray Wargeyska The Hill oo ka faallooda gaashaandhigga.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay muuqaalo muujinaya dagaal-yahanada Taliban oo wata qoriga casriga ah ee M4 iyo qoriga kale ee M16, oo Mareykanku farsameeyo, bedelkii Taliban lagu arki jiray qoriga AK47.

Sidoo kale muuqaalada waxaa ka soo muuqday Talibaaniyiinta oo wata gaadiidka gaashaaman ee u adkeysta qaraxyada.

Mareykanka ayaa 83 bilyan oo dollar ku bixiyay tababarka iyo qalabaynta ciidamadii Afghanistan, ee dagaalka kula jiray dagaal-yahanada Taliban.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa mar sii horeysay sheegay in saddex boqol oo kun oo askari, ay u tababareen dalkaasi, muddadii ay jooggeen, waxaana ku qalabeynay buu yidhi hub casri ah.

Mareykanka iyo bahwadaagtiisa NATO ayay wax layaab lihi ku noqotay in muddo laba toddobaad lagu afgembiyo Dowladdii Afghanistan, laguna burburiyo ciidamadii boqolaalka kun gaarayay, ee ay dalkaasi u dhiseen, labaatankii sano ee ugu dambeysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker