Dib U Habayn Lagu Sameeyey Teerminaalka Garoonka Caalamiga Ah Ee Diyaaraddaha Ee Magaaladda Berbera

Shaqaddii Ugu Dambaysay ee laga hirgaliyo Gagida Diyaaraddaha Berbera, waxa uu ahaa dib u habayn buuxa oo lagu sameeyey dhismaha teerminaalka, waxa kale oo la rakibay taawaro cusub oo lagu hago diyaaradaha.Waxa sidoo kale, maalgalin lagu sameeyey Ilaalinta Duulimaadyadda Caalamiga ah, hagida dhulka, keenista Gaadiid Cusub, dabdamiska, Waxaana Madaarka lagu xidhay xadhkaha Magaaladda.

Wakhtigan, waxa ay Somaliland daddaal ugu jirtaa in ay heer sare ka gaadho Dhaqaalaha, Iyadda oo la kaashanayo maalgashadayaal diyaar ah.

Terminals Holding, oo ah Shirkad Xarunteedda ay tahay Abu Dhabi, ayaa waxa ay ka mid tahay shirkadaha doonaya in ay ka faa’iidaystaan fursadaha dhaqaalaha Somaliland.

Shirkaddan Ayaa waxa ay adeegsanaysaa faraceedda Transport Infrastructure Services.

November, 2021, Shirkedda Terminals Holding, oo kaashanaysa dawlada Somaliland, ayaa waxa ay dib- u habayn iyo casriyayn ku samaysay Madaarka Caalamiga ah re Berbera.

Agaasimaha Terminals Holding Mr.Dritan Gjonbalaj, Ayaa Sheegay in xooga ay saarayaan maalgashiga, sababta oo ah waxa uu sheegay in uu arkayo in Berbera ay tahay suuq si dhakhso ah u soo koraya, suuqaas oo dad badan ay doonayaan in ay maalgashadaan.

Dritan Gjonbalaj, waxa kale oo uu Sheegay in Shirkedda Systems Interface Limited, ay ku rakibtay madaarka Berbera qalabka VHF Communications.Nidaamkan ayaa kor meeridoona Cimiladda, Isaga oo ku shaqeeya Tamarta cadceeda.

Gjonbalaj, waxa uu sheegay in ay tababar u fureen dhalinyarada Berbera, kuwaas oo hadda ka shaqeeya gudaha dalka, waxa kale oo dufcadii u horaysay waxbarasho loogu qaaday Waddanka Imaaraadka, si ay u soo bartaan maamulka hawada.

Christine Ikambili oo ku takhasustay Arrimaha Dhulka Madaarka Berbera, ayaa sheegtay in Duulimaadyaddii Ethiopian Airline ee Addis Ababa ay bilaabmeen, ayna sugayaan in ay qaabilaan duulimaadyo kale.

Maareeyaha Maamulka Madaarka Berbera, Khalifa Ibrahim ayaa Sheegtay in madaarka Berbera uu Yahay Madaarka kaliya ee ku yaala Somaliland, kaas oo shaqeeya 24 saac Maalin kasta, Toddobadda Maalmood Ee Toddobaadka.

“Haddii wax kasta u dhacaan sida aan rajaynayno, waxa Berbera ay noqonaysaa xarun dalxiis, oo ay u soo dalxiis tagaan kumanaan qof” Ayaa Ay Tidhi Khalifa Ibrahim.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker