Midowga Yurub oo sheegay in markab xamuul ah oo la afduubay uu u dhaqaaqay dhanka xeebaha Soomaaliya

Markab ganacsi oo ka babanayay calanka Malta oo todobaadkii hore lagu af-duubtay badda Carabta oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Markabka weyn ee Ruen ayaa weli ku jira gacanta afduubayaasha, kuwaas oo aan la garanayn cidda ay yihiin iyo waxa ay dalbanayaan, sida ay ciidammada badda ee Midowga Yurub ku sheegeen bayaan.

Ma aysan bixin wax faah faahin ah oo ku saabsan xaaladda shaqaalihii markabka laga soo dejiyay Isniintii, kuwaas oo u guuray markab ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya oo hadheeyay markabka Ruen.

Diyaarad laga leeyahay dalka Hindiya oo ilaalo ka ah badaha ayaa aragtay markabka Ruen maalin kadib markii la qafaashay Khamiistii lasoo dhaafay, waxayna xiriir idaacadeed la sameysay shaqaalaha markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo Ruen, oo ay maamusho shirkadda maraakiibta Bulgaria ee Navibulgar, ayaa markii la afduubtay  ku sugnaa jasiiradda Socotra ee Yemen ee u dhow Geeska Afrika, sida ay sheegeen shirkadaha sirdoonka iyo hawlgallada ganacsiga badaha ee Boqortooyada Ingiriiska.

Markabkan ayaa siday shixnad biro ah oo uu ka soo qaaday dekedda Gwangyang ee Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub. Waxay ku socotay dekedda Gemlik ee Turkiga. Kabtanka ayaa xaqiijiyay afduubka isagoo digniin u diray xarunta taliska ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Markabkan ayaa hadda u dhaqaaqay dhanka Koonfur-galbeed ee ku wajahan xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen ciidamada Midowga Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker