Shaqaalihii BBC oo La Xidhay Iyo Xafiiskii BBC Media Actaion oo Albabada Loo laabay L
Xukuumadda Somaliland ayaa albaabada isugu laabtay xafiiskii BBCMedia Action Somali ee magaalada Hargeysa, iyadoo sidoo kalana xabsiga u taxaabtay 5 kamid ah shaqaalaha BBCMedia Action.
*BBCMedia Action, waa hay’ad madaxa bannaan oo ka shaqeysa samafalka caalamiga ah, iyadoo sidoo kale soo saarta barnaamijyo la xidhiidha wacyigelinta arrimaha bulshada kuwaasi oo laga sii daayo idaacaddaha Soomaalida, mana ka shaqeyso arrimaha siyaasadda, sida ku qoran website-keeda.




