Mareykanka Oo Mar Kale Hanjabaad Culus U Diray Dawladda Awooda badan ee Iran

Sargaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay inuu qaado tallabba kasta oo looga hortagayo khatarta Iiraan.

Warkan oo aan ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya General Kenneth McKenzie oo ah taliska guud ee ciidamada Mareykanaka inuu sabtida shalay ahayd sheegay inuu Mareykanka ciidamadiisu diyaar yihiin marki loo baahdo in dalka Iiraan laga howlgeliyo.

Waxuuna Mareykanka diyaar u yahay tallaaba kasta oo uu kaga hortagayo khatarta uga iman karta dhanka Iiraan inuu qaado.

McKenzie oo booqasha ku maraya waddamada khaliijka oo u warramay Telefishiinka Sky News laantiisa carabiga wuxuu sheegay “Mareykanku wuxuu sii wadayaa inuu had iyo jeer garab siiyo saaxibbada iyo xulafada aan ku leennahay khaliijka iyo bariga dhexe si aan isaga kaashannno khatarta dhammaanteen naga soo wajihi karto dhinaca Iiran si wada jir ah si aan uga hortagno.”

Xiisadda u dhaxeysa tehran iyo Washington waxay cirka isku sii sharertay wixi ka dambeeyey marka uu madaxweyne trump uu hoggaanka dalka mareykanaka la wareegay gaar ahaanna sanadki 2018-kii marka uu Mareykanaka ka baxay heshiiskii Niyuukilarka ee heer caalami ee lalal galay dalka Iiraan isla-markaana uu cunaqabateyno dheeraad ah uu saaray Tehraan.

Washington waxay Isniinti aan soo dhaafnay sheegtay ciddi saliidda Iiraan iibsato iney cunaqabateyn la kulmeyso, iyada oo dalalki ugu badnaa ee saliidda Iiraan iibsan jiray qaarkood ay lixdi biloodee la soo dhaafay ay waddamada kale ee Asia ay billaabeen iney saliidda ka soo iibsadaan.

Madaxweynaha Iiraan iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan dalka Iiraan ayaa iyaguna ku hanjabay haddii ay Washington isku daydo iney carqaladeyso Maraakiibta saliidda ka iibsada ay Tehraan qaadeyso tallabba kasta oo ay ku joojineyso dhammaan maraakiibta kale ee shidaalka sida ee ka yimaadda waddamada kahaliijak.

General McKenzie waxaa kale uu sheegay inuu ku kalsoon yahay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iney mudda badan sii joogayaan ilaa ay ka xaqiijiyaan iney khatarta argagixidsada ka iman karta ay soo afjarantay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker