Madaxwayne Donald Trump oo Gabi ahaanba Iska diiday inuu Saxeexo Lacagtii Dawlada Maraykanku Siin jirtay Qaramada Midoobay

Xafiisyada hey’ada Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalooyinka New York, Geneva, Vienna iyo Nairobi ayaa laga yaabaa in saameyntii ugu darneyd ay ku yeelato tobanaan sano kadib ,Waxaa loogu yeedhay miisaaniyad xumo soo wajahday.

 

War saxaafadeed lagu qoray barta Internet-ka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yidhi Qaramada Midoobay ma heysato lacag ku filan oo ay ku bixiso mushaarka shaqaalaha bisha November ee Sannadkan .

Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ayaa Mr António Guterres ayaa bilowgii todobaadkan u sheegay wadamada xubnaha ka ah golaha, in aan la buuxin doonin boosaska shaqada banaan safaradana ay noqon doonaan kuwo xadidan ayna jiri doonin wax kulamo ah oo dhici doona.

Mr Guterres ayaa intaa ku daray in sanadkaan ay qaadeen talaabooyin adag si loo badbaadiyo qarash badan loona buuxiyo meelaha ka banaan miisaaniyad sanadadeedka ay ku shaqeeyaan.

Wadanka Mareykanka oo bixiya 22% boqolkiiba Kharska Qaramada midoobay ayaa ka mid ah dalalka aan sanadkan bixin dhaqaalaha laga doonayay iyadoo lacagta  miisaaniyada ka maqan ay tahay 674 million oo Doolar.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dood ka keenayay mudooyinkaan in Washington ay mas’uul ka tahay qalqalka ku yimid miisaaniyada sanadkaan waxaana uu ku baaqay in laga arinsado isbadalka arintaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker