Maamulka Puntland Ma Fulin doonaan Toogashada raggii Caasha Ilyaas u Gaystay kufsiga & dilka

Garoowe (OWN) – Sidii ay horay u shaacisay Maamu Goboleedka Puntland waxaa 11-ka bishan February oo beri ku beegan la Toogan doonaa seddexda xukmane ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay, marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulkaasi, Mudane Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa 12-kii bishii hore sheegay in raggan la toogan doono subaxnimada Talaadada ah ee beri.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay gudbisay galka fulinta xukunka, si loo qisaaso saddexda xukmane, kuwaas oo kala ah:-

1- Cabdishakuur Maxamed Dige, 2- Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo 3- Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame.Raggan ayaa 12-May-2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoona xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka.

Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker