Maxaa ka Jira in Xilkii Safiirnimo laga Qaaday Ambassoder Yamamaato

Muqdisho (OWN) – Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay warar soo baxay maalmihii dhowaan oo sheegayey in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto.

 

Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa idaacadda VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid beddeshay.

 

 

“Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yidhi-afhayeenku.

 

Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aaalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood.

Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano.

 

 

Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda.

 

 

Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan.

 

 

Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker