Isbahaysiga Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID Oo Lagaga Guulaystay Maayaradda Degmooyinka Gar-adag Iyo Berbera
Goleyaasha cusub ee Deegaanka ee Labadda Degmo ee Berbera oo ah xatunta Gobolka Saaxil iyo Gar’adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag, ayaa fadhiyadoodii u horreeyey ku doortay Maararro ka soo baxay xisbiga KULMIYE.
Degmada Berbera waxa saaka mar kale Maayar loo doortay Maayar Cabdishakuur Maxamed (Cidin) oo ku guulaystay 8 cod oo ka mid ah 13 mudane ee Deegaanka loo doortay, halka Maayar-ku-xigeenka loo doortay Nuur Cabdi Jaamac (Cadde).
Dhinaca kale, Golaha Deegaanka Degmadda Gar’adag ee Gobolka Sanaag oo iyadana saaka golaheedu is-doorteen waxa maayar loo doortay Maxamed Cilmi Maxamuud iyo ku-xigeenka oo loo doortay Sahal Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo lqbaduba ka soo baxay xisbiga KULMIYE.