Sakad Dhan Oo Badhtanka Suuqa Hargeysa Ku Taalla Oo Mar Qudha La Cidleeyay Iyo Sababta”

Sakad dheer oo illaa toban bakhaar in kabadani ku jireen oo ku taalay badhtamaha Suuqa weyn ee Hargeysa ayaa mar qudha la faaruqiyay kadib markii uu mulkiilihii lahaa uu saddex jiraabay kiraddii bilaha ahayd ee uu ay ku kiraynaayeen bakhaaradaasi.

Ganacsatada ku ganacsanayay goobtan ee bakhaaradda ku lahaa dhismayaashan ayaa mar qudha faaruqiyay islamarkaana ka daad guraystay alaabtii u tiilay kadib markii uu Mulkiilihii lahaa dhismayaashan ku soo rogay lacag xad dhaaf ah oo la sheegay inay kor u dhaafayso 700-dollars “Todobada boqol oo Dollar”, taasi oo aad uga badan lacagtii ay markii hore ku kiraysnaayeen bakhaaraddaasi, waxaanay la noo xaqiijiyay inay markii hore guryahaasi ku kiraysnaayeen inta u dhexaysa 250 illaa 300 Dollar.

Sakaddan oo ku taala kasoo horjeeda dhinaca qiblada ama woqooyiga Masjidka Ibraahim Dheere ee Badhtamaha Hargeysa oo markii hore camirnayd ayaa hadda hawaanaysa islamarkaana ay albaabadu u laaban yihiin kadib markii ay diideen ganacsatadu inay bixiyaan lacagta intaasi leeg, kana daad guraysteen agabkii ay ku iibinayeen, taasi oo ay sheegeen inaanu ganacsigoodu awoodi Karin inay kirada intaasi le’eg iska bixiyaan.

Qaar ka mid ah Ganacsatadan   ayaa   sheegay inay dhismayaashaasi uga guureen kiraddii billaha ahayd oo qaab aan caadi ahayn mar qudha sare loogu qaaday, markii ay kasoo horjeesteen ee ay dalbadeen in wax laga dhimanna uu ka diiday mulkiilihii dhismahaasi lahaa, iyagoo sheegay inaanay jirin meel ay uga dacwoodaan keli ah inay uga guuraan mooyaane. Dhinaca kale, Wargeyska Foore oo isku dayay inuu helo mulkiilihii dhismahaasi ayaanay u suurtagali.

Arintan ayaa muujinaysa xaaladdaha adag ee ay ku sugan yihiin ganacsatada yar yar ee ku ganacsada suuqyada Hargeysa kuwaasi oo la daalaa dhacaya kiro-qaaliyaw aan xad lahayd islamarkaana bil walba la kordhiyo taasi oo aan tudhaale lahayn islamarkaana waxa sidoo kale meesha ka maqan Doorkii Xukuumadda ee xakamayn lahayd qaaliyawga kiradda iyo doorkii ay ku bad baadin lahayd Ganacsiga yar yar oo door weyn ku leh dhaqaalaha dalka.

Nidaamka kirada ee guryaha ah ayaa ah hadba waxa ku sar go’an inta uu doono qofka mulkiilaha guryaha ahi mana laha wax gorgortan ah, iyada oo aanay xukuumaddu wax saamayn ah ku lahayn ama ugu yaraan ah qiimo goyn la xidhiidha xaddiga lacagta kirooyinka. Waxaana inta badan guud ahaan Somaliland dadka ganacsatada ahi ka cawdaan xaddiga kirada guryaha ku habboon ganacsiga ee wajahaddaha ku yaalla oo aad qaali u ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker