Halkan ka Akhri..Liiska isku aadka Koobka Qaramada Afrika Oo La shaaciyay

 

Masar oo martigalinaysa Koobka Qaramada Afrika 2019 waxa ay ka hortagaysaa DR Congo,

Uganda iyo Zimbabwe oo ay ku wada jiraan Group A.

Xulka difaacanaya koobka ee Cameroon ayaa ku jira Group F waxaana ay ku wada dheeli doonaan Ghana, Benin iyo Guinea-Bissau.

 

Tartanku waxa uu bilaaban doonaa 21 Juun waxa uuna dhammaan doonaa 19 July, taas oo ka dhigan in ciyaartoyda ka dheesha qaaradda Yurub aanay ka maqnaan doonin ciyaaraha kooxaha ay u dheeleen maadaama fasaxii sanadka lagu jiro.

Tartankan oo ka dhici doona dalka Masar ayaa noqonaya midkii ugu weynaa oo waxaa ka qeyb qaadanaya 24 kooxood, waana midkii ugu horreeyay ee la qabto xilliga xagaaga ee qaaradda Yurub iyadoo markii hore la qaban jiray bilaha Janaayo iyo Febraayo.

Tababaraha Morocco Herve Renard ayaa waxa uu doonayaa in Koobka Qaramada Afrika uu markii saddexaad kula guulaysto xul saddexaad. Morocco waxa ay ku jirtaa Group D oo ay kula jiraan Ivory Coast, South Afrika iyo dalka Namibia.

Ciyaarta koobaad ee tartanka waxa ay dhexmari doontaa Masar iyo Zimbabwe 21 bisha Juun waxa ayna ka dhici doontaa garoonka ciyaaraha ee Qaahira.

Laba xul oo ka mid ah saddexda xul ee tartankan ku cusub – Madagascar iyo Burundi ee – ayaa waxa ay Group kula jiraan Nigeria iyo Guinea.

Mauritania oo ah xulka kale ee tartanka ku cusub ayaa Group E waxa ku wehlinaya dalalka Tunisia, Mali iyo Angola.

Senegal iyo Aljeeriya waxa ay Group C soo wadagaleen Kenya iyo Tanzania.

Labada kooxood ee ugu sarreysa qeybkasta iyo afarta kooxood ee ugu wanaagsan kooxaha gala kaalinta saddexaad ayaa usoo gudbi doona ciyaaraha kala baxa.

Sidan ayey xulalku isugu beegmeenn

Group A: Masar, DR Congo, Uganda, Zimbabwe

Group B: Nigeria, Guinea, Madagascar, Burundi

Group C: Senegal, Aljeeriya, Kenya, Tanzania

Group D: Morocco, Ivory Coast, South Africa, Namibia

Group E: Tunisia, Mali, Mauritania, Angola

Group F: Cameroon, Ghana, Benin, Guinea-Bissau

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker