Tahriibayaal Somali ah oo Laga Badbaadiyaay Xeebaha Tunisia

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Tunisia ayaa ku guuleystey in ay badbaadiyaan 97 tahriibayaal ah oo jinsiyado kala duwan ka soo jeeda badankoodina ay u badnaayeen kuwa kabaxay Wadamada Africa, Ciidanka ayaa lagu soo waranayaa in ay badda kasoo saareen meydka qof soo galooti ah ka dib seddex Howlgal oo badbaadin ah ay sameeyeen maadama.doomihi ay Tahribayasha saarnaayen ay qarka u saarneed inay quusto.

Tahriibayaashaan oo faah faahin laga bixinaayay wadamada ay kasoo jeedan ayaa ciidanka ilaalada xeebaha Tunisa waxa ay kusheegeen in 37 kamid ah u dhasheen dalka Masar, 13 u dhashay Bangaladesh, 12 Syrian ah, 2 Somalia ah iyo 4 u dhalatat dalka Sudan.

Tahribayashaan ay ku jiraan Soomaalida ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha Koonfur Bari ee Al-Ataya ee dalka Tunisa.

Cutubyadaan ka tirsan ciidanka badda ayaa muhaajiriinta ajnabig ah ku wareejiyay ciidamada ilaalada qaranka si ay u dhamaystiraan nidaamka sharciga ah ee dadkaasi lamarsiinayo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker