Safiir Mareykan ah Oo Ku Dhawaaqey In Somaliland La Aqoonsado

Hargeysa (OWN):- Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay dalka Croatia danjire Peter Galbraith, ayaa ku taliyay in la aqoonsado qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Danjire Peter, oo toddobaadkan ka qayb galay madal uu soo agaasimay machad Maraykan ahi ayaa waxa su’aal ku saabsan qaddiyadda Somaliland weydiiyay wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka danjire Bashiir Sheekh Cumar Good, waxaanu danjiraha Maraykanka ahi ku jawaabay “Somaliland waa in loo aqoonsadaa qaran madaxbanaan. Waxay shaqaynaysay 27kii sannadood ee u dambeeyay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyay  “Waxaay u tahay tusaale dhamaystiran qaloocnaanta siyaasad ku dhisan ilaalinta is-haysashada dhul ahaaneed ee dal aan jirin ba “Somalia.”

Dr. Terrence Lyons oo isna madasha fadhiyay oo ka tirsan Jaamacadda George Mason University ayaa Somaliland ku tilmaamay inay tahay sheeko cajiib ah, “Waa arrin cajiib ah qisada dal xor ahaa shan maalmood ka hor intii aanu Soomaaliya ku biirin sannadkii 1960, isagoo rajaynayay midnimadii weynayd ee Soomaaliya, haddana waxay jecelyihiin inay kala baxaan ka dib markii ay fashilantay midnimadii.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker