Nin Lagu Eedeeyey Inuu Gubay Calnaka Jabuuti Oo Xabsiga La dhigay

Booliska Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabay nin loo heysto inuu gubay calanka dalkaas oo muuqaal laga soo duubay lagu baahiyey barta Tiktok.

Ninkan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay intii uu gubayey calanka ku dhawaaqayey ereyo uu aflagaado iyo qabyaalad salka ku heysa taasoo dad badan ka careysiisay.

Booliska oo sameeyey baadhitaan dabagal ayaa ugu dambeyn ninkan ka soo qabtay guri ku yaalla degmada 1aad ee magaalada Jabuuti.

Qoyska ninkan uu ka soo jeedo ayaa ku andacooday in sababta uu calanka u gubay ay tahay isagoo la ildaran xanuuno dhinaca dhimirka ah.hase ahaatee waxaa arrintaas ku gacan seyray booliska.

“Nasiib darro, maadaama uusan heysanin qoraal cadeynaya inuu dhimirka ka xanuunsan yahay, cudurdaar uma noqonayso tallaabadii uu ku gubay kuna aflagaadeeyay calanka dalka iyo hurinta qabyaaladeed” ayaa lagu yidhi qoraal ka sopo baxay Booliska

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay iney maxkamad soo taagi doonaan ninkan maalinta beri ah, si uu uga jawaabo falka uu ku kacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker