Dawladda Turkiga Oo Xabsiga Dhigtay 11 Qof oo ay Ku Eedaysay Basaasnimo

Dawladda Turkiga yayaa Xidgay 11 qof oo ay Ku  Tuhuntay  inay Jaajuuseen islamarkaana Afduubteen Siyaasi mucaarad Iiraani ah oo ay dooneysay Tehran, waxaa sidaas Isniintii sheegay booliska Turkiga.

 

Wakiilo ka tirsan Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa xidhay 11-ka qof oo Turkish ah kadib markii magaalada Istanbul lagu waayey Siyaasi mucaarad reer Iran ah oo lagu magacaabo Habib Chaab, sida ay booliska sheegeen.

 

Habib Chaab oo Debad-joog ahaan ugu noolaa Sweden ayaa boqoday Turkiga bishii October.

 

Warbaahinta Iran ayaa bishii November werisay in Habib lasoo xdhray, Hase yeeshee ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu ugu dhammaaday xabsi Iran.

 

Tehran ayaa ku eedeysay Chaab inuu ku lug leeyahay koox Gooni u goosato Carab ah oo dalkaas ka jirta oo lagu magacaabo ASMLA.

 

Booliska Turkiga ayaa sheegay in dadka la tuhunsan yahay ay Chaab ka qabteen magaalada Istanbul kadibna ay baabuur Van ah uga gudbiyeen xadka Iran, kahor inta aysan ku wareejin saraakiisha Iraaniyiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker