Madaxweynaha Puntland oo Amar Dul dhigay Laamaha Amniga

Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada Booliska ee maamulkaasi, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo sidii loo xoojin lahaa Sugida Amniga.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Puntland Mudane Cabdisamad Galan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha Ciidanka Booliska maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Warbixino ka dhagaysta Laamaha Amaanka, waxaana uu ku amray taliska Ciidamada Booliska in ay dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker