Xurguftii ka dhexeysay Ilhaan Cumar iyo Hindiya

lhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka kana soo jeedda gobolka Minnesota, laguna yaqaanno taageerada ay u heyso Pakistan ayaa waxay Aqalka Wakiillada geysay qaraar lagu cambaareynayo carqaladeynta la sheegay inay Hindiya carqaladeyso xuquuqda aadanaha, gaar ahaanna inay beegsato Mulsimiinta, Kirishtaanka Sikh-yada, Dalit-ka, iyo Adivasis iyo “dad kale oo laga tiro badan yahay”.

Qaraarkan, oo ay la kaashatay haweenka kale ee kala ah Rashida Talib iyo Juan Vargas, ayaa wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ku boorrinayaa inuu Hindiya u arko mid walaac abuuraya marka la eego xorriyadda diimeed ee caalamiga ah.

Dalalka kale ee sidan oo kale loo aqoonsaday waxaa ka mid ah Comoros, Cuba, Nicaragua iyo Ruushka.

Qaraarkan ayaa maamulka Biden ku boorrinaya in Guddiga Mareykanka ee Xorriyadda Diimeed ee Caalamiga ah uu usoo jeediyo in Hindiya uu aqoonsado dal walaac abuuraya saddex sano oo isku xigta.

Qaraarkan oo Aqalka Wakiillada la geeyay Talaadadii, ayaa waxaa loo diray Guddiga Arrimaha Dibadda si uu u eego waxa laga sameyn karo.

Ilhaan Cumar ayaa la sheegay inay taageerto Pakistan, taas oo hore ay Hindiya uga carootay mar ay booqasho ku tagtay dalkaas horraantii sanadkan.

Ilhaan Cumar yaa bishii April ee sanadkan booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dowladda Hindiya.

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaadday Ilhaan Cumar. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Arindam Bagchi, ayaa arrintaas ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed ee Hindiya.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee ANI, waxa uu afhayeenku yidhi: “Waxay booqatay qayb ka mid ah Gobollada Jamu iyo Kashmir oo hadda ay si sharci darro ah ku haysato Pakistan. Siyaasi kasta oo ku dhaqmaya siyaasad gurracan wuu u fasaxan yahay balse tani waxay xad gudub ku tahay madaxbannaanideenna dhuleed.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker