Daawo: Somaliland intey Maqan tahay, Waa inaan Madaxtoyadi Fadhiyaa Madaxweyne Hawiye ah”Sanbalooshe

Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa wareysi xasaasi ah oo uu siiyay Telefishinka Dalsan TV waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo aadan hab qeybsiga qabiileysan ee ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladnimada ay ku dhisan tahay qaab qabiileysan, isla markaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu qeybsado hannaanka 4.5 ee Beelaha wax ku qeybsadaan

“Dowladnimada hadda noo dhisan qaabka ay ku dhisan tahay, shucuub ahaan waa dad qabiileysan oo qabyaaladeysan ayaa nahay, dowladeena haddii madaxweyne la dhisaayo, haddii RW la dhisaayo, haddii wasiiro la dhisaayo, haddii baarlamaan la dhisaayo horta 4.5 ayaa lagu fadhiyaa, nin walba qabiil ku soo galaa, qabaa’ilka odayaashooda, xildhibaanadooda iyo waxgaradkooda marka ay jago raadsanayaan ayagoo qabiil ah ayay raadsanayaan, mana fiicno wax markii la qabanayo la qariyo, waxa waa in sidii ay yihiin lagu dhaqmo”ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe.

Mr Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu doonayo in wixii hadda ka dambeeya siyaasadda laga dhaafo mujaamalada, isla markaana arrin walba sideeda loo abaaro oo aan wax la qarin sida uu yiri.

“Siyaasadda Soomaaliyeed intay afar arrimood taagan yahay, madax banaanida AMISOM ilaalineyso, Somaliland maqan tahay, Shabaab dalka heysto, qof qurbaha ka yimid mulkiile uu leeyahay ,siyaasadda soomaaliyeed si qabiileysan oo rasmi ah in loogu dhaqmo ayaa rabnaa”ayuu yiri Sanbaloolshe oo hadalkiisa ahaa mid si weyn looga hadal haayo baraha bulshada, isla markaana aanay Siyaasiyiinta qaar ku dheeran, iyadoo dalku hannaanka qabiilka ee 4.5 wax lagu qeybsado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker