Masuuliyiin Xisbiga Waddni oo la Kulmay Safiirka Maraykanka ee Somaliya

Xoghayaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xisbiga WADDANI Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa kulan casho iyo is xog-waraysi ah la yeeshay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Larry André oo ku sugan Caasimadda Maraykanka ee Washington D.C.

Sidoo kale waxay masuuliyiinta Xisbigu la kulmeen Michael D. Fools oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka waaxda Afrika gaar ahaana xafiiska qaabilsan Soomaalida.

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI iyo diblamaasiyiinta Maraykanka ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadda iyo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha doorashooyinka, nabadgalyada, dhaqaalaha iyo horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker