TALO KU SOCOTA MADAXDA CUSUB EE BANKA SOMALILAND BY BANKER MOWLIID AADAN CUMER.

Sida ku cad “Qodobka 13aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland, wuxuu dhigayaa in dawladu yeelato Baanka dhexe ee Qaranka Somaliland,kaaso qaranka uga masuul ah ilaalinta hantida iyo lacagta qarankani leeyahay,isagoo qodobkani ogol yahay baanka dhexe ee qarankani ganacsatada u furi karo baanan ay ka mid yihiin Baanka Ganacsiga iyo Baanka Hormarinta, kuwaas oo uu masuul ka yahay baanka dhexe Somaliland.
Baanka dhexe ee somaliland waxa la aasaasay sanadii 1991-kii bishii july, iyadoo wakhtigaa dalku ka soo doogaayey, marxaladii dagaalki aynu rijiimki siyaad bare ku ridnay,  waxaana shaqada laga bilaabay meel aad u hoosaysay, iyadoo shaqaalihii aqoonta iyo xirfada baanka laha, la raadiyey inti wakhtigaa dalka ku sugnaydna laga hawl-galiyey, taas oo sababtay in dariiq fiican oo baanka dhexe ku shaqeeyo, la bud dhigay.
Hadaba waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Todabaadkii hore xilka ka qaadey Gudoomiyihii iyo Agaasimihii Banka kadib markey wax ka qaban waayeen Sicirbararka ragaadiyey bulshada Somaliland isla markaana waxuu magacaabey rag aqoon durugsan u leh cilmiga dhaqaalaha waayo aragnimo durugsana u leh jaangooynta iyo howl socodsiinta baananka.
Hadaba Somalidu waxay tidhaah ayax tag eelna reeb, Ragii hore ee meesha laga qaadey WAXAY usii aasen faji flimkeeda horey loo daawadey waxyaalaha ay sii dhigeen waxaa ka mid ah
1- Waxay laaluush tobanaan kun oo doler ah sii siiyeen madax ugu muhiimsan ee bank howsha gacanta Ku haysa (si ay ujeedadooda ugu fuliyaan)
2- Waxay dalacaad siiyeen 80qof oo ka mid ah shaqaalaha banka hayb ahaana Ku dhaw iyaga iyo qaar basaasin horey ugu ahaa
3- Waxay cuqdad sii kala dhex dhigeen shaqaalaha banka si ay ujeedadooda ugu hirgasho.
QORSHAHAN HOREY MA UGA DHACAY BANK.
Haa sanadkii 1996 ayuu madaxweynahii wakhtigaa Maxamed X. Ibrahim Cigaal mar wada badaley Gudoomiyihii Banka ee wakhtigaa Mr Badhaf iyo Jaamac Cali Cilmi waxaanu magacaabey Abdiraxma du’aale iyo Agaasime cusub oo aan magaciisa aan hayn iminka, Agaasimihii la badaley ee jaamac Cali cilmi waxuu dagey isla qorshahan iminka socda waxuu lacag umiisey shaqaalihii howsha muhiimka ah haayey ee banka si ay howsha ukala socon weydo waanu u hirgaley qorshahiisa waxuuna xilka ka sii maqnaa waxaan 20 cisho ka yareen.
TALO SOO JEEDIN
Waxaan usoo jeedinayaa Madaxda cusub ee banka in il taxadir leh ula socdaan wax yaalaha socda hadey u baahdaan gudi madaxbanaan u saaraan waxii dhacay afartii cisho ee u danbeysey,
Waxaan kaloo usoo jeedin lahaa in ka noqdaan dhamaan magacaabistii iyo dalacadihii soo baxay afartii cisho ee u danbeysey si kalsoonidii iyo isku duubnaantii shaqaalaha usoo noqoto.
By BANKER Mowliid Aadan Cumar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker