Somali Lagu Laayay Deegaanka Candhuufa ee Gobolka Siti

Warar laga helayo magaalada candhuufa ee galbeedka siti ee dowlad deegaanka soomaalida ayaa ku waramaya in halkaasi saacadihii la dhaafay lagu laayay 7 ruux oo xoola dhaqato soomaali ah tiro intaa ka badanne dhaawacyo loo geystay kaddib markii Aroor ay aadeen.

Maleeshiyaadka canfarta oo falkaan geystay ayaa la shaaciyay in ay horay u kaxeysteen in ka badan 4000 oo xoola ah kuwaa oo ay la haayeen soomaalidii dilka iyo dhaawacyaduba ay u geysteen.

Maalma ka hor ayaa sidaan oo kale waxa ay canfarta dil iyo dhaawacba u geysteen xoola dhaqato soomaali ah kuwaa oo markii dambena ay ka qaateen xoola hooda.

Maamulka dowlad deegaanka soomaalida weli kama aysan hadlin falka lagu laayay xoola dhaqatadaan iyo gabood faladaan soo laa-laabtay oo ay maleeshiyaadka canfarta geysanayaan.

Dhammaadka bishii hore ayaa wasiirka caddaladda ee Ethiopia uu qabtay shir looga hadlayay sidii lagu soo afjari lahaa dilalka maleeshiyaadka qowmiyadaha ay geysteen kaasi oo ay ka qeyb geleen madaxda maamulada soomaalida iyo canfarta walloow qodobada shirkaasi kasoo baxay uusan dhaqan gelin.

Bisha july ee foodda innagu soo heysa ayaa lagu wadaa in markale la qabto shirkaan oo kale si loo dhammeeyo is dilka maleeshiyaadka qowmiyadaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker