Masuuliyiin ahaan, warwar iyo walaac weyn oo xooggan ayaannu ka muujinaynnaa falalkan ay xukuumaddu ku kacayso,

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddni Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Qoraal Dheer oo Soo Galiyaay bartiisa Facebook Waxa uu kaga Hadlay Warbixin uu Komishanka Xuquuqal Inasaanka Qaranku ka Soo Saaray Siyaasiyiin iyo Wariyayaal Xidhan oo la Sheegay in la Jidh Dilay.
Waxanu yidhi Guddoomiye Xirsi:
“Sidii aannu marar badan ku celcelinnay in muwaadiniinta Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha mucaaradka ay ciidamada boolisku u geysteen xadgudubyo badan oo kala duwan, iyada oo haatan muwaadiniin iyo masuuliyiin kala duwan u jiifaan dhaawacyo soo gaadhay, halka ay jeelasha ugu xidhan yihiin siyaasiyiin, suxufiyiin iyo shacab aan waxba galabsan, oo dhammaantood xorriyadooda looga qaaday sifo aan sharci ahayn, maanta ka horna aan GARSOOR iyo CADDAALAD toona la hor keenin.
Masuuliyiin ahaan, warwar iyo walaac weyn oo xooggan ayaannu ka muujinaynnaa falalkan ay xukuumaddu ku kacayso, dadkayaga iyo dunidana cod dheer ayaannu ku gaadhsinaynnaa.
Waxa arrimahan aannu sheegaynno u marag furaya warbixinaha maxalliga ah ee haayadaha madaxa-bannaan, Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland iyo haayadaha caalamiga ah.
Warbixinta ay maanta soo saareen Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL
waxa ay xustay sharci-darrada tallaabada xukuumadda iyo sidoo kale in jidh-dil loo geystay masuuliyiinta la xidhay iyo in loo diiday booqashada ehelladooda oo ah wax Somaliland ku cusub in qof maxbuus ah oo xorriyadiisii laga qaaday haddana tacaddi loogu geysto saldhigii uu ku xidhnaa.
Sidoo kale, waxa aannu la qabnaa Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka JSL walaaca ay ka qabaan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aasaasiga ah, sida xuquuqda cabbirka fikirka xorta ah iyo saxaafadda, xuquuqda isu soobaxyadda salmiga ah, hannaanka loo maro cidda xorriyadooda laga qaadayo, xuquuqda sugan ee la kulanka ehellada iyo qareennada qofka eedaysanaha mma maxbuuska ah iyo ilaalinta hannaanka helidda caddaaladda oo dhammaantood ah xaq iyo xuquuq dastuurka Somaliland dammaanad qaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker