Israa’iil oo Digniin u Dirtay Muwaadiniinteda ku Sugan Turkiga

Israa’iil ayaa ka codsatay muwaadiniinteeda booqashada ku jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga inay “si degdeg ah uga baxaan”, iyadoo ka digaysa “halis” halkaasi ka jirta oo ka imanaysa Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa ka digay”khatar dhab ah oo degdeg ah”, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weerar argagixiso oo Iran ay fulin rabtay laga hortagay bishii hore.

Waxa uu sheegay in weerarka la fashiliyay uu ahaa mid ka mid ah dhowr weerar oo ay Iran qorsheyneysay.

Lapid waxa uu intaa ku daray in weerarada la fashiliyay ay bartilmaameedsanayeen muwaadiniinta Israa’iil “si ay u afduubaan ama u dilaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker