Qiimaha shidaalka oo cirka isku shareeray dalka Maraykanka

Qiimaha shidaalka lagu shubto gaadiidka ayaa haatan maraya halkii ugu sarraysay ee uu gaadho dalka Maraykanka, iyada oo toddobaadkan lagu iibinayey halkii gallon ee shidaal ah in ka badan $5. Halka Gallon ayaa u dhigma 3.7 litter, waxaana qiimaha shidaalka ee halka litir uu noqonayaa illaa $1.33 dollar.

Dalka Maraykanka, Qiimaha shidaalka ayaa haatan noqday mid isbed-beddela, oo aan meel fadhiyin. Joseph Pierre oo ku nool gobolka New York ayaa sheegay in gaadhigiisa oo uu markii hore ku buuxsan jiray $25 uu haatan ku buuxsado $40 illaa $45 dollar.

Joseph oo ah tagsiile ayaa sheegay inaanu haatan lacag badan samaynin, taas oo ay ugu wacan tahay qiimaha sarreeya ee shidaalka iyo dadka oo aan iyagu dan iyo heello toonna ka gelin arrintan, kuwaas oo qaar badan oo ka midi aanay siinin isaga lacagaha dheeraadka ah ee la siiyo qofka adeegga kuu qabta.

Gobolka California ayaa ka mida meelaha ugu qaalisan dhinaca shidaalka marka la joogo dalkan Maraykanka, waxaana halkii litir lagu iibiyaa illaa $1.71 dollar.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker