Raiisul wasaaraha Dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed oo qabtay casho lagu kharas Gareeyay $173,000

Cashada Abiy Ahmed

 

Maal-qabeenno Itoobiyaan ah ayaa bixiyey 173,000 oo dollar midkiiba, si ay uga qeyb galeen casho uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo lacag loogu ururinayey qurxinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda ku xiran ee FANA, ayaa daabacday sawirrada dadka cashada ka qeyb-galay oo xiran suudad, islamarkaana fadhiya kuraas lagu deday ubaxyo.

“Halkii kursi ee cashada waxaa lagu qiimeeyey 5 milyan oo birr” ayey tiri warbiixnta Fana. 5 milyan oo birr waxay u dhigantaa ku dhowaad 173,000 oo dollar.

Xafladda ayaa waxaa loo qabtay in lacag loogu ururiyo mashruuc saddex sano soconaya oo uu wado Abiy, kaasi oo sare loogu qaadayo sumcadda caasimadda.

Mashruuca oo lagu badinayo goobaha doogga leh ee caasimadda, ayaa waxaa masaafe dhan 56 km oo isku wareeg ah looga hir-gelinaya, geedo, beero, darjiinooyin, marinno ay maraan baaskiilada iyo goob lagu socdo oo ku xirmaya webiyada magaalada

Mashruuca ayaa ku kacaya hal bilyan dollar.

Illaa iyo hadda lama yaqaan tirada rasmiga ah ee dalka ka qeyb-galay cashada iyo cidda ay ahaayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker