Haweeney Hindiya U Dhalatay Oo Afduub Loogu Haystay Muqdisho Oo Maanta Dalkeeda Lagu Celinayo

Warbaahinta dalka Hindiya  ayaa baahiyey in ay Dowlada Hindiya   ku guulaysatay siideenta haweenay u dhalatay dalkaasi oo lagu haystay gudaha dalka Soomaaliya.

 

Haweenadan oo lagu magacaabo Afreen Begum, oo 31 sano jir ah ayaa dadaalo dheer kadib waxaa 28’kii bshii Murch lagu guulaystay in laga sii daayo gacantii kooxaha ay ku jirtay kadib dadaalo ay kawada shaqeeyeen dowladaha Hindiya iyo Soomaaliya.

 

Afreen ayaa magaalada Hydrapad ee dalka Hindiya ku guursatay wiil soomaali ah oo lagu magacaabo maxamed xuseen ducaale iyagoona sanadkii tagay iyaga iyo 3 caruur ah oo ay dhaleen ay booqasho kusoo aadeen magaalada muqdisho.

 

Afreen aabaheed Sayid Gafoor Cali ayaa sheegay in bishii Febaraayo ee sanadkan uu ku wargaiyay maqnaasha gabadhiisa wasaarada arimaha dibada ee dowlada Hindiya.

 

Inkastoo dowlada Hindiya aanay safaarad ku lahayn Soomaaliya haddana arinta siideynta gabdhan ayaa waxaa ka shaqeeyay safaarada ay wasaarada arimaha dibada Hindiya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoona sidookale siidaynta gabadhan uu door muhiim ah ka qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Nerendra Modi.

 

Maanta ayaa lagu wadaa in Afreen Bugum ay dalkeeda Hindiya dib ugu laabato gaar ahaan magaalada Hydrabad oo ay kasoo jeedo.

 

https://www.indiatoday.in/india/story/pm-modi-rescues-hyderabad-woman-her-three-daughters-from-somalia-1491463-2019-04-01

Afreen Begum

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker