Baanka Dhexe Ee JSL Oo Kulan Aad U Mihiim Ah La Yeeshay Xawaaladdaha kala Duwan Ee Lacagaha Ee Dalka

Waaxda Korjoogtaynta Hay’addaha Maaliyadeed ee Baanka Dhexe JSL ayaa soo agaasintay kulan-hawleed ka qabsoomay Xarunta Baanka Dhexe ee JSL, maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 08-03-2021.
Ujeeddada kulan-hawleed ayaa ku saabsanaa in loo bandhigo laguna tababaro Xawaaddaha dalka habka hagaha warbixinaha Xawaaddahu kaas oo faahfaahinaya habka ay Xawaaddahu u soo gudbinayaan warbixinaha.
Kulanka waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac, Agaasimaha Guud Mudane Axmed Xasan Carwo, Agaasime waaxeedyada Baanka, Ururka Xawaaladaha, iyo dhamaan xawaaladaha ka hawl-gala dalka.
Kulanka waxa furay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac, waxaa na uu ugu horayn uga mahad celiyay masuuliyiinta shirkaddaha xawaaladdaha ka soo qayb galka shirkan muhiimka ah.
Guddoomiyahu waxa uu sidoo kale aad ugu dheeraaday kaalinta xawaaladdahu kaga jiraan horumarka dalka, dhaqaaalaha iyo doorka wayn ee ay ka ciyaareen dib u soo kabashaddii dalka.
Guddoomiyahu waxa uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu shirkani leeyahay waxaa na uu ugu danbayntii ku booriyay Xaawaladdaha in ay weeleeyaan aqoonta ay ka korodhsadaan tababarkan.
Ugu danbayntii kulankan hawleedkan waxaa la isla jeexjeexay qodobaddan hoos ku xusan.
1. Hagaha iyo habka diyaarinta warbixinaha xawaaladaha
2. Jaantusyada warbixinaha
3. Kor u qaadida tayada warbixinaha ay Xawaaladahu u soo gudbiyaan Baanka Dhexe
4. Hirgalinta kaydka xogta maaliyaddeed iyo dhaqdhaqaaqyadda suuqyadda maaliyaddeed.
Intii lagu guddo-jiray kulan-hawleedkan waxaa halkaas laysku waydaarsaday su’aalo iyo soo jeedimo khuseeya hanaanka wada-shaqayneed iyo hababka soo gudbinta xogta ee u dhaxeeya Baanka Dhexe iyo Xawaaladdaha ka hawlgala dalka.
Guddoonka sare ururka xawaaladahu waxa uu ka mahad-celiyey wada-shaqaynta ka dhaxaysa xawaaladaha iyo Baanka Dhexe ee JSL, sidoo kalena waxay balan qaadeen in ka dhankoodda ay diyaar u yihiin inay si dhaw ula shaqeeyaan Baanka Dhexe, isla markaana ay u hogaansanaan doonaan dhamaan shuruucda dalka ee xaga maaliyadda iyaga oo mar walba ogsoon inay waajib ku tahay ka shaqaynta danta dalka.
Gabagabadii, waxa kulanka soo xidhay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo si guud u sharaxay ahmiyada warbixinaha, kaalinta xawaaladaha iyo dhaqan-galinta Xeerka Xawaaladaha ee Xeer Lambar 86/2019.
May be an image of Ali Ibrahim and text that says "Bank of Somaliland Ali ibrahim Jama "Governor""May be an image of 1 personMay be an image of 1 person and standingMay be an image of one or more people and people standing
Alla Mahad Leh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker