Madaxwayne Trump oo Cadeeyey inaanu Xilwareejin doonin Haddii laga Guulaysto

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in si nabad uu xilka ku wareejiyo haddii laga guuleysto doorashada bisha Nofembar ka dhaceysa halkaas.

“Hagaag, waa in dhammaanteen aan ka dhursugnaa waxa dhici doonaa” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad.

 

Wuxuu rumeysan yahay in natiijada doorashada ay ku dambeyn doonto gacanta maxkamada ugu sarreyso dalkaas xilli uu shaki ka muujinayo codeynta dhanka boostada.

 

In badan oo kamid ah gobollada Mareykanka waxay ku baaqayaan in doorashada ay ku dhacdo qaabka codeynta boostada si shacabka looga badbaadiyo cudurka safmarka ah ee Koroona.

 

Mar weriyeyaasha ay weydiyeen Trump, xilka si nabad ah kuma wareejin doontaa haddii  laga adkaado?

 

Wuxuu ku jawaabay “Waxaan si weyn uga cabanayay qaabka codeynta”

 

“Meesha halaga saaro qaabkan codeynta ah- marka waxay u dhaceysa si nabad ah- mana jirin doonto xil wareejin, waxaa jiri doonaa is qabqabsi”

Madaxweyne Trump ayaa ku andacoonayaa in codeynta qaabka boostada uu halis u yahay in wax lais daba mariyo.

 

Joe Biden oo weriyeyaasha kula hadlayay magaalada Delaware wuxuu ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Trump “Mid aan macquul aheyn”

 

Biden waxaa quddiisa lagu eedeeyay in uu wado falal kicin ah kaddib markii bishii Agoosto uu yidhi “Ma jiraa qof rumeysan in qalalaase la’aan uu ka jiri doono Mareykanka waa haddii mar kale dib loo doorto Donald Trump?”

 

Bishii lasoo dhaafay, Henry Clinton waxay ugu baaqday Biden in doorashadan uusan aqbalin guusha “Xaalad kasta oo lagu jiraba”

 

Trump ayaa Arbacadii difaacay go’aankiisa ku aadan cidda uu usoo magacaabi doono inay kamid noqoto garsoorayaasha maxkamadda sare kaddib geeridii dhawaan ku timid haweeneydii ka tirsaneyda maxkamaddaas, wuxuu ku rajo weyn yahay in natiijada doorashada ay ku dambeyn doonto gacanta maxkamadda sare.

 

“Waxaan filayaa in doorashada ay ku dambeyn doonto maxkamadda ugu sarreyso, waxaana filayaa in muhiim ay yihiin garsoorayaasha sagaalka ah ee maxkamadda sare” ayuu yiri Trump.

 

Wuxuu sheegay in haweeney uu Sabtida usoo magaacabi doono cidda kamid noqoneyso garsooyaasha maxkamadda sare, wuxuuna ku baddali doonaa Ruth Bader Ginsburg oo jimcihii geeriyo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker