Dad lagu arkay calaamadaha CUDURKA monkeypox oo la dhigay isbitaalka De Martino ee Magalada Muqdisho

Saddex qof oo laga shakisan yahay cudurka furuqa daanyeerrada (Monkeypox), kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha cudurka ayaa la dhigay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa C sheegay laba ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwa ku sugnaa magaalada Muqdisho, halka qofka kale uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Ilo-wareedyo caafimaad oo ka tirsan isbitalka ayaa  xaqiijiyey inuu socdo baadhitaan lagu sameynayo dadkan, oo ay si wadajir ah ay u wadaan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Saddex qof ayaa laga qaaday tijaabo caafimaad oo shaybaar ah, waxaana la sugayaa natiijada kasoo baxda.

Sawir laga soo qaaday qof ka mid ah dadka uu soo ritay xanuunkaan oo la baahiyey ayaa muujinaya nabarro badan oo ka soo baxay qofkaas jirkiisa, waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay xanuunkaan war kasoo saarto, kadib markii ay sameyso baaritaano socda oo ay ka qeyb qaadaneyso WHO.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker