Nin tagaeero u ah Manchester United oo toorrey ku dilay taageero Arsenal

Booliska dalka Uganda ayaa baadi goobaya nin taageero u ah kooxda kubadda cagta ee Manchester United oo lagu eedeeyay inuu mindi ku dilay mid ka mid ah taageerayaasha Arsenal oo ku sugnaa gudaha magaalada Sheema.

Falkaan ayaa dhacay daqiiqado kadib markii ay dhamaatay ciyaarta oo Axaddii ka dhacday goornka Emirates.

Ciyaartaoo ka tirsaneed horyaalka Ingiriiska ee Premier League, ayaa ku dhamaatay 3-1 ay ku badisay kooxda Arsenal, waana arrinta keentay muranka dhex maray labada nin ee kala taageersanaa kooxahan.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday goob ciyaaraha lagu daawado oo ay joogeen dhalinyaro badan.

Ninkaan dilka gaystay ayaa da’diisa lagu sheegay 22 sano jir, iyadoo magaca taageeraha Arsenal ee la dilay boolisku ku sheegeen Jackson Aineruhanga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker