Odayaasha Ceel Af-weyn Oo Dawladda Ku Wareejiyey Gacan Ku-dhiigleyaal Ay Soo qabteen

Odayaasha deegaanka Ceel Af-weyn ayaa gacanta dawladda ku soo wareejiyey Saddex Rag ah oo laba ka mid ahi ku eedaysan yihiin inay deegaanka Dararweyne ku dileen Marxuum Socoto ahaa iyo Nin Xaaskiisa dilay.

Labadan qof ee ku eedeysan Dilka Ninka Socotada ahaa ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Cabdirisaaq Cawil Ducaale iyo Axmed Cabdi Cawad Cabdulle, waxaana lagu wareejiyey dawladda, iyagoo ay goob joog ka ahaayeen odayaashii marxuumkii ay hore u dileen ka soo jeeday.

Odayaal u hadlayey marxuumka la dilay ayaa sheegay labadaasi gacan ku dhiigle lagu soo wareejiyey dawladda, isla-markaana ay uga mahad celinayaan odayaashii ka hawlgalay soo qabashadooda.

Sidoo kale, odayaasha soo qabtay labadan gacan ku dhiigle ayaa caddeeyey inay gacanta dawladda ku soo wareejiyaan oo sharciga la hor geyn doono.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag, waxaana marxuumka la dilay la odhan jirey Saleebaan Xuseen Maxamed, waxaana dilkaasi dhacay bishii 5/11/2018, taas oo muddo lagu daba jiray soo qabashada ka dib markii lagu heshiiyey in qofkii qof dila ay soo qabtaan odayaashiisu, halka beeshan hadda loo soo qabtay ay iyaguna nin xaaskiisii dilay soo qabteen ka dibna lagu wareejiyey gacanta dawladda.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbiro ayaa u mahadnaqay odayaashii mudadda ku jiray soo qabashada dambiileyaasha, isla-markaana sheegay in qof kasta oo qof dila sidaas loo soo qaban doono si aanu dambiilihii dambiga gaystay aanu reer u noqon ee uu shakhsi u noqdo.

“Waxaan caddaynayaa sida odayaashu sheegeen dhacdaddii u dambaysay ee ka dhacday Dararweyne bishii 11aad shanteedii, 2018  ee lagu dilay marxuum Saleebaan Xuseen Maxamuud inay nagu soo wareejiyeen labadaasi gacan ku dhiigle ku eedeysan oo ay hadda ku jiraan gacanta dawladda”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag.

Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa waxa ka dhici jirey dagaalo beeleed soo noqnoqday, taas oo ka dhalan jirey dad kala aargoosanayey oo marka qof la dilaba,isla markiiba beeshii qofka la dilay intay soo duulaan kuwo wax dilay beeshooda dad ka soo layn jirey, haseyeeshee waxa hadda lagu heshiiyey in wixii hore lskaga dilay magta la bixiyo, qofkii dambe oo qof dilla ay odayaashiisu soo qabtaan, arrintaasi oo Nabadgalyada muhiim u ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker