Mucaaradka Jabuuti Oo Baaq U Diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee RAD ee dalka Jabuuti ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay madaxeyne Ismaaciil Cumar Geelle in aanu mar shanaad isku soo sharixin hogaaminta dalkaas.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday beesha caalamka gaar ahaan dalalka waaweyn ee saldhigyada milatari ku leh Jabuuti in ay la saftaan shacabka oo aanay taageerin madaxweyne Geelle.

Duqii hore ee caasimadda Jabuuti imikana ah madaxa xisbiga mucaaradka ee Raad, Cabdiraxmaan Maxamed Geele oo  la hadlay ayaa sheegay in warbixinta ay soo saareen ay ku xusan yihiin arrimo dhowr ah oo khuseeyo xaaladda siyaasadeed ee Jabuuti.

 

Dhawaan ayay aheyd markii mucaaradka ay dowladda Jabuuti ku eedeeyeen in ay cuburinayso xubnaha ka tirsan xisbiyada mucaaradka xilli bisha April lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker